Dhaqanka iyo bulshada Soomaliyeed

Bulsho kastaa waxay leedahay dhaqan u gaar ah oo lagu aqoonsado waana dhaxal ay jiilba jiil ka dhaxli doonaan kuwii ka horeeyay.

Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqammo kala duwan oo ay ka dhaxleen waalidkood Ma ka hadlayo dhaqamada jaahilka ee diinteenna baalmarsan; Waxaan ka hadlayaa caadooyinka soo jireenka ah sida soo dhoweynta, qaraabannimada, barbaarinta carruurta leh dhaqan wanaagsan iyo suugaan.

Dawlad kasta oo dunida ka jirtaa waxay leedahay af iyo dhaqan u gaar ah oo waddan walba jecel yahay inuu ku gumeysto ama wax ka baro wadan kale. Tusaale ahaan, bishii Ogost 1960kii waxaa Jabuuti booqday madaxweynihii hore ee Faransiiska Charles de Gualle, xilligaasna Jabuuti waxaa gumaysan jiray Faransiiska (Franch Somaliland). Waxaa ka dhiidhiyay dhaqdhaqaaqii gobonimo -doonka Jabuuti oo magacoodi u beddelay dhulka Canfarta & Ciise.

Waxaan u cuskaday in ujeedka ugu weyn ee gumeysiga Faransiisku uu ahaa faafinta dhaqankiisa, gaar ahaan luuqadda uu ku hadlo, taasoo saamayn weyn ku yeelatay waddanka la gumaysto.

Dhaqanka soo dhaweynta Soomaalida

Waxaan rabaa inaan farta ku fiiqo dhaqankii hore ee soo dhoweynta Soomaalida. Runtii waxay ahayd dhaqan wanaagsan in martida si wanaagsan loogu adeego oo la siiyo cuntooyinka ay jecel yihiin ee laga heli karo guriga.

Mararka qaar waxaa dhici karta in ay yimaadaan martidu xilli abaar ey jirto oo xooluhu caano haysan haddana sidaa ey tahay waxay siiyaan martida wixii ay haystaan. Intaa waxaa dheer, martidu waxay joogi karaan inta ay rabaan waxayna la noolaan karaan qoyska iyagoon dareemin cadaadis ama takoorid.

Casriga iyo isbedelka dhaqanka

Bulshada Soomaaliyeed waxaa ku soo qulqulaya dhaqammo kala duwan oo ka yimid dalal kale taasoo keentay inay lumiyaan dhaqankoodii, gaar ahaan dhallinyaradii dhalatay burburkii ka dib, taasoo sahashay in dhaqankooda lagu beddelo baraha bulshada ama hababka kale ee isgaarsiinta.

Nidaamka cusub ee dawladnimadu wuxuu kaloo qayb ka noqon karaa, haddii aan si habboon wax looga qaban, kala fogeeynta qiyamka iyo akhlaaqda ee dadka Soomaaliyeed iyo dhaqankooda, hadday tahay mid goboleeysi ama mid qabyaalad. Iyo waliba luuqadda la adeegsado oo ah, kani waa qabiil z, kani waa (laangab)kanina waa (laandhere), waxay ka qayb qaadataa in laga fogaado dhaqanka suuban ee Soomaalida waxayna meesha ka saartaa is aqbalaadda iyo jacaylka.

Ugu dambayn, deegaanka uu qofku ku nool yahay ayaa isna kaalin mug leh ka qaadan kara luminta dhaqanka wanaagsan haddii qofku ku noolaado jawi takoor iyo qabyaalad oo waliba saamayn ku yeelan kara.

Taladayda: Dib -u -noolaynta xarumihii dhaqanka ee isku keeni jiray bulshada Soomaaliyeed si ay u bartaan waxa dhaqankeennu yahay iyo waxa aan wadaagno sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in la abuuro oo la xoojiyo dugsiyada bara luqadda iyo dhaqanka ardayda ee dhammaan gobollada Soomaaliya iyo in laga gudbo luuqada xun oo aan u fiicnayn ilmaha sii koraya, ey kamid yihin, kani waa laandhere ama laangab.

Advertisement

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s